Sheekooyin kulul oo ku saabsan dumarka la qabo kuwa lasoo furay shukaansiga gabdhaha sheeko macaan iyo nolosha guud

Sheeko odaygii oo gabar dhalinyar lagu daray kadib wax ka tari waayay


Sheekadan waa cajiib gabadhan oo xamar laga waday ugu dambeyn siday u xumaatay oo ay suuq u gashay !!

Waxaa jiray odey lacag lahaa oo shaki badnaa.

Wuxuu ahaa nin dumarka ka baqo. Wuu xishood badnaa.

Markuu dhaafay afartanka ayaa lala taliyay waxaa lagu yiri Xaashiyow maad iska guursatid nin lacag leh baad tahayee Si aad u dhasho ilmo lacagtaas kaa dhaxli karo.

Wuxuu yiri aniga odey ayaan noqday naagta I oggolaanayso waa tee?

Waxaa lagu yiri nin lacag leh naag maba waayo.


Adiga oggolow inaad guursato. Annagaa kuu raadinayno

Nin saaxiibkiisa ahaa ayaa u raadiyay gabar.

Wuxuu soo helay gabar jaamacad dhigato oo qurux badan diyaar u ah guur.

Markuu la kulmay wuxuu u sheegay inuu rabo iyada nin weyn oo lacag leh.

Gabadha maba aysan diidin. waayo hadaf weyn ayay ka lahayd guurka.

Ninkii wuxuu u yimid xaashi wuxuu u sheegay inuu soo helay gabar diyaar u ah guurka.

Xaashi wuu farxay.

Aroos fiican ayaa loo dhigay. Xaashi gabadhii ayuu guursaday.

Markay wax yar is qabeen xaaskiisa oo lagu magacaabo Nuurto ayaa waxay tiri aniga soomaali waa nacay.

Wuxuu ku yiri maxaad ku nacday?

Waxay tiri: dadka oo dhan waxay I leeyihiin nin oday ayaad guursatay. Taas way I dhibaysaa.

Waxaan rabaa inaan halkan isaga tagno oo aan aadno waddan kale.

Ka warran haddaad leen noo soo raadiso oo aan sidaas yurub ku galno.

Xaashi wuu oggalaaday wuxuu yiri waa yahay.

Xaashi wuxuu raadiyay mukhallas oo soo dhameyn karo leen.

Isla markii waxaa loo helay leen labo qof oo dalka ingiriiska ah.

Qarash badan ayuu ahaa.

Leenkii muddo yar ayuu qaatay. ugu dambeyn waxay aadeen dalka ingiriiska.

Nuurto marka ay ingiriiska tagtay Waxay gashay meel luuqadda laga barto.

Xaashina wuxuu iska ahaa nin oday ah. wuxuu u badnaa meelaha soomaalida ay ku sheekaystaan.

Nuurto waxay baratay gabdho soomaaliyeed oo ku noolaa London.

Waxay ogaatay qaabka nolosha dalkaas ay tahay.

Xaashi isagana wuxuu noqday nin u badan qaxwooyinka soomaalida.

Wuxuu ahaa qof jecel fadhi ku dirirka.

Wuxuu bilaabay inuu meesha kusoo daaho habeenkii.

Wuxuu iska qaadan jiray ceyrta la siiyo.

Illeen wuxuu ahaa nin weyn.

Laakin Nuurto waxay bilowday inay indhaha furato.

Waxay bilowday inay ka fikirto ninkan odayga ah sidey uga takhalusi lahayd.

Ma aysan fiirinin ninkan inuu sabab u ahaa ingiriiska inay timaado.

Waxay bilowday inay buuq ku furto.

Oo ay diiddo hadalkiisa.

Waxay biloway inay bannaanka ku soo daahdo.

Waxay joojisay inay cunto u kariso.

Xaashii wuxuu la yaabay Nuurto siday isku baddashay.

Waxaa jirtay islaan ay nuurto qaraabo ahaayeen oo ku noolayd magaalada London. Naagtaas ayaa la dhihi karaa Nuurto iyadaa dirdirtay.

Waayo waxay ahayd habar xaasid ah. Uma rabin gabadhan inay nolol fiican ku noolaato oo ay ninkeeda la joogto.

Nuurto ugu dambeyn boolis ayay ku dalabtay Xaashi.

Waxaa loo yimid habeen.

Xaashi ayaa la qabtay. Waxaa laga saaray guriga.

Waxaana lagu yiri. Haddaad kusoo dhowaato gabadhan meel ay degan tahay iska jir.

Xaashi wuxuu raadsaday meel kale.

Nuurto sidaas ayay ku heshay guri kaligeeda ay ku nooshahay.

Ninkii lacaga badan kasoo bixiyay sidaas ayay yeeshay.

Xaashi wuxuu bilaabay balwad. Wuxuu noqday nin maantoo dhan fikir ku jiro.

Waxaa ka muuqatay dhibaato, ninkii xamar joogay odayga ahaa oo laga dambeeyay inay naag sidan u gasho. taas ayuu u adkaysan waayay.

Nuurto waxay bilowday inay  shukaansato wiil reer London ah.

Wiilkaas waxay ahaayeen isku fac.

Waxaa la yaab badan iyadoo la qabo oo aan wali la furin ayay wiilkaas shukaansi ku bilowday.

Wiilkii ayaa ogaaday naagtan inaan wali la furin.

Wuxuu ahaa wiil fiican wuxuu yiri.

Abbaayo adoo lagu qabo kuma shukaansan karo. Ee marka lagu furo ayaan is shukaansanaynaa.

Nuurto waxay la xiriirtay xaashi iyadoo leh waxaan rabaa inaad madaxayga I siiso.

Wuxuu yiri lagama yaabo inaan ku furo.

Haddaad rabto furiin halkan soo dhig lacagta aan kugu keenay ingiriiska.

Nuurto waxay tiri. Qasab ayaad igu fureysaa.

Wuxuu ku yiri: aan aragno qofkii furiinka igu qasbi karo.

Akhyaar ayay soo dirsatay.

Waxaa fariistay dad akhyaar ah waxaa lagu heshiiyay inay lacagta iska dhiibto.

Nuurto lacagtaas lagu bixiyay ma hayso. waayo Shaqada ay bilowday waa shaqo iska fudud.

Waxaa laga rabaa ijaar iyo nolol.

Waxay go’aansatay inaysan wax lacag bixinin oo ay saaxiib samaysato oo guur ay iska dhaafto.

Adduunka lama waayo xumaan. Waliba gaar ahaan waddamada reer galbeedka.

Waxay bilowday inay la saaxiibto dad kala duwan.

Wiil ayay isbarteen oo ciyaal suuq ah. Waxay ka dhigatay saaxiib.

Wiilkaas wuxuu ahaa qof aan waxba ka baqin.

Ugu dambeyn waxay bilowday inay tagto meelaha caweyska ee baararka.

Waxay bilowday inay qaadato dhar qaab daran.

Dhaqankii islaamka iyo dhaqanka soomaalida wanaagsan way ka tagtay.

Waxay bilowday inay dad badan ajaanib ah la saaxiibto.

Dumarka soomaalida aad bay ugu nugul yihiin arrimahaas.

Waliba marka la tago dibadda.

Ugu dambeyn waxay guursatay nin caddaan ah oo kasoo jeedo yurubta bariga.

Ogow iyadoo aan la furin ayay guursatay !!!

Wuxuu ahaa nin xun oo mashaqeyste ah.

Iyadaa biili jirtay.

Waxay noqotay naag ka duwan nuurtadii soomaali joogtay.

Marka waxaa la dhihi karaa nabsiga odayga ayaa kasoo baxay.

Waayo qofka marka aad xaqqiisa cunto ilaahay wuu kaasoo saaraa.

Nuurto waxay noqotay naag luntay oo dadka meesha ku noolaa ay la yaabeen siday isku baddashay.

Maxaa keenay inay sidan noqoto?

Odeyga ma qaldan yahay mise iyadaa qaldan kaliya?

Waayo isagaa keenay ingiriiska?

Wixii aragti ah halkan kusoo qor adoo mahadsan.