Sheekooyin kulul oo ku saabsan dumarka la qabo kuwa lasoo furay shukaansiga gabdhaha sheeko macaan iyo nolosha guud

Sheeko dhakhtarka naag uur qaldan u sheegay waxaana sabab u ahayd baaritaanka kaadida


Dhakhaatiirta mararka qaar way qaldami karaan. Waliba marka dhakhtarka uu yahay qof fudfudud, gabar lagu magacaabo caasho Kiin ayaa xanuun dareentay waxay u tagtay dhakhtar.

Xanuunkeeda wuxuu ahaa qasxanuun. Gumaarka ayay ka barari jirtay. Marka ay daasho ama ay socoto waxay xanuun ka dareemaysay kaliyaha.

Dhakhtarka wuxuu ka dalbaday inay kaadida iska qaaddo.


Wuxuu yiri orod oo musqusha aad kaadida iska soo qaad. Wuxuu u dhiibay caag yar loogu talaggalay in kaadida lagu shubo.

Gabadhii musqusha ayay aadday, waxay kusoo shubtay kaadi caaggii loo dhiibay. Kaddib waxay u keentay dhakhtarka.

Gabadhaas waxaa ka horreysay naag kale oo iyadana loo diray inay kaadida iska soo qaaddo. Naagtaas waxay iyadana dhigtay caaggii kaadideeda ku jirtay maktabka dhakhtarka.

Kalkaalisada ayaa mashquulsanayd, waxay u qaadatay kaadida naagtan inay leedahay gabadhii kaadida loo diray.

Labadii caag ayaa laysku qalday iyadoon la ogaanin qaladkaas.

Laakin natiijada ayaa noqon doonto mid lala yaabo.

Labo maalmood kaddib, gabadhii ayaa dhakhtarka kusoo laabatay.

Dhakhtarka markuu la kulmay ayuu weyddiiyay malagu qabaa ?

Gabadhii iyadoo yaabban waxay tiri maya !!

Gabadhii damac ayaaba soo galay waxay u qaadatay in dhakhtarka iyada ka helay oo shukaansi ka rabo.

Wuxuu yiri: run ii sheeg miyaad leedahay nin?

Waxay tiri maya abboowe ! waxaan ahay qof madaxbannaan. Waana isbaran karnaa haddaad rabto.

Wuxuu yiri: marka uurka yaa kuu yeelay ?

Waxay tiri: uur  aaa. Kusoo celi maxaad tiri ?

Dhakhtarka wuxuu yiri natiijada kaadida waxay tilmaamaysaa inaad uur leedahay.

Gabadha waxay tiri maba dhici karto.

Sideen uur ku qaadaa anoon waligay nin arkin. Waan hubaa inaanan uur lahayd.

Dhakhtarka wuxuu yiri: natiijada kaadida been ma sheegto. Ee runta ii sheeg.

Gabadhii dhaar ayay ka bixi waysay. Iyadoo leh waan is hubaa . uur ma lihi.

Sheekada waxay gaartay gabadha aabbaheeda iyo hooyadeeda.

Aad ayay uga naxeen. Waxay ku dhaheen maandhaay maxaa dhacay ?

Gabadha waxay tiri: aniga waan is hubaa ? dhakhtarkan waxbaa ka qaldan.

Arrinta waxay gaartay maamulaha isbitaalka.

Wuxuu soo jeediyay mar labaad in la baaro gabadha.

Gabadhii ayaa kaadida laga qaaday mar labaad.

Waxaa la ogaaday inaysan uur lahayn.

Markii taariikhda baaritaanka hore loo noqday waxaa la ogaaday in naag kale kaadideeda lagu qaldamay. Waxaana sabab u ahaa naagta kalkaalisada.

Marka qaladaadka dhakhaatiirta way dhacaan.

Haddii sheekadan aad ka heshay laayikta noo saar. Siina faafi muuqaalkan adigoo ku mahadsan.