Gabadha adeerkiisa dhalay oo la qabo ayuu guriga shukaansi kaga dumiyay
Sheekadan waa sheeko cajiib ah,
waxay tilmaamaysaa jacaylka inuu mararka qaar isku baddalo cadaawad iyo nacayb.
Waxaa jiray wiil lagu magacaabo
Yaasiin wuxuu jeclaa gabar adeerkiisa dhalay.
Gabadha waxaa la oran jiray Muna
waxay ahayd gabar qurux badan.
Wiilka iyo gabadha markay yaraayeen way isla cayaari jireen.
Markay soo weynaadeen Yaasiin aad buu
u jeclaaday Muna.
Laakin Muna waxay u arkaysay Yaasiin
qof walaalkeeda oo kale ah.
Muddo kaddib waxay baratay wiil kale
lagu magacaabo Mahad.
Yaasiin markuu ogaaday in Mahad uu guursan rabo Muna aad buu uga
xumaaday, sidoo kale wuxuu qarsan jiray jacaylka uu u qabo gabadha adeerkiisa.
Waxaa toos loo soo doontay Muna
waxaa soo doontay Mahad.
Wax yar kaddib guurka ayaa dhacay.
Yaasiin meesha wuxuu ku waayay Muno.
Habeen kaste iyada ayuu niyadda ku hayay.
Wuu ka sabri waayay.
Wuxuu ka xumaa Mahad inuu qabo
gabadha adeerkiisa dhalay oo uu jeclaa.
Wuxuu bilaabay inuu ka shaqeeyo
sidii gurigeeda uu ku dumin lahaa.
Wuxuu bilaabay inuu maalin kaste
taleefan u diro.
Mahad ayaa ogaaday in Yaasiin mar
kaste soo waco xaaskiisa oo uu la sheekaysto.
Yaasiin ujeeddadiisa waxay ahayd
inuu shaki ku abuuro Mahad.
Markaas ay isku dhacaan isaga iyo
xaaskiisa.
Habeen Yaasiin wuxuu soo wacay Muno
khadka wax badan ayuu ku jiray. habeenkaas guriga ayuu joogay Mahad.
wuxuu ku yiri Muna inadeerkaaga wuu ka
badbadiyay xiriirka uu kula soo xiriirayo.
Muna waxay tiri waa caadi.
Adiga maxaa kugu dhacay. Maad iska
yaraysid masayrka !
Wuxuu yiri Mahad mar kaste inaad
isla hadashaan adiga iyo Yaasiin waa arrin laga fiican yahay.
Sheekadiina salaan way ka weyn
tahay. Hal saac ku dhawaad ayaad wada hadlayseen. Taas waa qalad.
Mahad wuxuu bilaabay inuu u kuurgalo
sheekada ay ku sheekaystaan Xaaskiisa iyo ina adeerkeeda.
Wuxuu ku soo dejiyay taleefanka
xaaskiisa aapp oo loogu talagalay taleefanka in qofka lagu dhegeysto.
Aappkaas waa aapp otomaatik u shaqeeyo.
Marka ay xaaskiisa qof la hadlayso wuxuu u gudbiyaa hadalka taleefanka Mahad.
Mahad wuxuu qorsheeyay inuu gaado
xaaskiisa marka ay la hadlayso ina adeerkeeda.
Wuxuu rabay inuu wax ka ogaado
sheekada iyaga dhexmarayso.
Yaasiin wuxuu lasoo hadli jiray Muna
habeen kaste. Taleefanka ayuu ugu sheekaynayaa.
Inta badan waxay ka sheekaysan
jireen arrimo guud ah.
Gadaal dambe sheekadooda waxay
gashay arrimo la xiriira guurka iyo jacaylka iyo shukaansiga.
Wuxuu bilaabay inuu u muujiyo
jacaylka uu u qabay iyada.
Wuxuu yiri: aniga mar hore ayaan ku
jeclaaday laakin waligey kuuma sheegin inaan ku jeclahay.
Waxaa dhacday habeen inay sheeko
dheer la gashay waxay uga sheekeysay ninkeeda.
Ma oga inuu ninkeeda taleefanka
dhegeysanayo.
Waxay tiri: ninkayga saan u haystay
maba aha. Waa nin duruufta ii geysay inaan la noolaado. Kuma qanacsani.
Waxay bilowday inay aflagaadayso.
Ninkeeda wax walba wuu duubayaa.
Waxay ka sheegtay inuu yahay qof
waxmatare ah oo raaxada aan ku fiicnayn.
Waxay sheegtay in uusan qancin karin
iyada.
Habeenkaas ninkeeda wuxuu yimid
guriga asoo u xanaaqsan.
Illeen wax badan ayuu ogaaday.
Caddeynna wuu hayaa.
Waxay tiri: mahadow caawa maxaa kugu
dhacay ?
Wejigaaga ma aha siduu ahaan jiray ?
Wuxuu yiri waxba ma jiraan. Wuu iska
seexday.
Ninkan wuxuu rabaa caddeymo badan
inuu ka qaado.
Habeen waxaa soo wacay wiillka
adeerkeeda dhalay Yaasin. wuxuu bilaabay inuu uga sheekeeyo arrimo la xiriiro
jacaylka uu iyada u qabay.
Iyadana waxay bilowday inay uga
sheekeyso jacaylka iyo raaxada ay ka hesho.
Waxay ka sheegtay ninkeeda waxyaalo
badan sir ah oo la xiriira gogosha.
Sheekadooda meel fog ayay gaartay.
Mahad wuu dhagaysanayaa hadalkooda.
Xattaa waxaa laysla galay sheeko
qaraami ah.
Meesha iskadunka ayay gaartay
arrinta.
Wuu yaabay ninkeeda. Uma malaynaynin
inay sidaas tahay xaaskiisa.
Hadalada ay ku hadlayso waa hadalo
aad u daran.
Meesha ay gaarsiisan tahay sheekada
ay ina adeerkeeda la gashay waa sheeko yaab badan.
Mahad wuxuu go’aan ku gaaray inuu u
sheego xaaskiisa wixii dhexmaray iyada iyo ninkaas oo adeerkeeda dhalay.
Wuxuu ku yiri: adiga sidaas inaad tahay uma malaynaynin.
Waxay tiri maxaad ka waddaa?
Wuxuu yiri: inaad I khayaanayso.
Waxaad tahay naag khayaano badan igu samaysay.
Wuxuu yiri: khayaanada aad samaysay
ma yara.
Way qososhay waxay tiri adiga ma
waalan tahay.
Wuxuu yiri qof waalan miyaan kuula
muuqdaa?
Waxay tiri hadalka caddeey maxaad ka
waddaa khayaanada aan kugu sameeyay.
Wuxuu yiri: Yaasiin ka waran?
Way yaabtay waxay tiri yaasiin
meesha maxaa keenay?
Wuxuu yiri: sheekada yaasiin aad uga
sheekeysay ma xusuusataa?
Markaas ayay naxady.
Waxay u qaadatay yaasiin inuu u
sheegay ninkeeda.
Waxay tiri: sheeko noocee baad ula
jeeddaa?
Wuxuu yiri sheekada gogosheena ?
Waxay tiri: been buu kuu sheegay
Yaasiin.
Wuxuu yiri Mahad: maya been ma aha
waxa idin dhexmaray caddeyn baan u hayaa.
Iyada isma lahayn ninkaaga wax buu
kaa duubaa.
Markaas wuxuu yiri: kaali dhagayso
wixii aad kula hadashay ina adeerkaaga.
Wuxuu u shiday codkiisa aapka uu ku
duubay.
Aad bay u naxday. Wuxuu ku yiri:
seddex ayaan kugu furay.
Waana kuu ceebqarinaa.
Meeshii ayay ku ooysay iyadoo
baryayso oo leh. I cafi mar kale ma samaynayo.
Wuxuu yiri: maya walaaley waa iga
tufan tahay.
Yaasiin ha ku guursado. Waxaa laga
yaabaa inuu isaga ku qanciyo.
Guriga sidaas ayuu ku dumay.
Qaladka dumarka qaar ay galayaan waa
kan.
Wiilkan gabadha ina adeertiisa ayuu
guriga si sahlan uga dumiyay.
Waxaa yaab badan naagaha qaar maxay
ragga kale ula sheekeystaan. oo waliba uga sheekeeyaan sirta sariirahooda.
Runtii naagaha badankooda guriga
iyagaa iska dumiyo.
Naagta marka la guursado waxaa laga
rabaa inay ilaaliso sirta ninkeeda iyo nolosheeda.
Ma aha nin kale ama naag kale inay u
gudbiso sirta ka jirta gurigeeda.
Teeda kale ina adeerka waxaa laga
yaabaa inuu gurigaaga ka xun yahay.
Sheeko walaaltinnimo ayuu kugu soo
galaa.
Wuxuu iska dhigaa qof kaaga dhow
ninkaaga.
Markaas ayuu gurigaaga halis
galiyaa.
Marka gabadha waxaa laga rabaa inay
ilaaliso gurigeeda si sahlan inaysan ku burburinin.
Haddaad aragto nin arrimahaas kula
soo galayo iska fogey.
Teeda kale ninkeeda isagana wuxuu
galay qalad oo ah inuu naagtiisa taleefankeeda ku xiro aalad wax lagu
dhegaysto.
Taasna waa halis. Haddaad naagtaada
ka shakiso waxaad ku dhihi kartaa arrimahaas ayaan dareemay ee iska ilaali
inaad qalad gasho.
Isagana qalad ayuu galay iyadana
qalad ayay gashay.
Marka qalad qalad ku sax ayaa meesha
ka dhacday.
Adiga maxay kula tahay ? yaa qaldan
ninkan iyo naagtiisa?
Wiilka ina adeerkeeda qaladka uu
galay sideed u aragtaa?
Kalsoonida maxaa burburin kara?
Wixii aragti aad ka qabto halkan
noogu reeb.
Wixii aragti noosoo gudbi
.jpg)