Sheekooyin kulul oo ku saabsan dumarka la qabo kuwa lasoo furay shukaansiga gabdhaha sheeko macaan iyo nolosha guud

Sheeko gabar ninkeeda ku aragtay hooyadeeda isagoo raaxo kula jiro


Waa sheeko cajiib ah oo lala fajaco. Maamo inay damacdo wiilka qabo gabadheeda ??

Waxay tilmaamaysaa nimanka qaar inaan laysku hallayn karin.

Sidoo kale hooyooyinka qaar iyagana waa dumar u dhaqmo si naago xunxun.

Waxaa laga yaabaa inay damcaan ninka gabadhooda qabo.

Sheekadan waxaa soo warinayo nin dhakhtar ah.

Wuxuu leeyahay:


Anoo ku sugan mid ka mid ah isbitaalada, waxaan si lama filaan ah ula kulmay saaxiibkay isna dhakhtar ah, kaas oo mas'uul ka ahaa qaybta bukaanka isbitalkaas. Wejigiisa waxaa ka muuqatay calool xumo iyo murugo, isagoo eegaya kursi ay ku fadhiday gabadh oo welwelaysa, indhaheeda taagtaagan, ayna ka war qabin waxyaabaha ka dhacaya agagaarkeeda. Muuqaalkeedu wuxuu ahaa mid aad u liito. Waxay u muuqatay qof waalan oo kale.

Markaas ayaan ka codsaday inaan baxo si aanan uga mashquulin hawshiisa. Wuxuu igu yiri "Igu sug xafiiskayga daqiiqado yar kaddib waan kuu imaanayaa". Waxaan ku iri "waa hagaag", waan soo baxay  xaafiiskiisa ayaan soo galay anoo sugaya. Mar uu ku soo noqday xafiiskiisa, waxaa i qabtay xiiso ah inaan weyddiiyo xaaladda gabadhaas. Markaasuu igu fiiriyay indho murugaysan, oo wuxuu yiri: "Maxaad iga rabtaa inaan idhaahdo?" 

Wuxuu yiri gabadhan sheeko yaab leh ayaa qabsatay oo maskaxdeeda sidan u gashay.

Waxay ahayd gabar dhigaysay dugsi. Waxay ahayd mid la qabo, carruurina leh, sida haweenka badankooda oo kale. Waxay ku noolayd farxad iyo rayn rayn. Laakiin waxyaabaha noloshu iyo xaaladda way isbadashaa. Waxay soo kiraysatay shaqaale guri si ay uga caawiso hawsha guriga, carruurtana ula fadhiisato ugula socoto. Iyadu markasta way shakisnayd markay guriga soo wacdo, markay weyddiiso carruurta. Waligood way fiicnayeen.

 Laakiin Maalin maalmaha ka mid ah, markii ay gabadhu wacday guriga siday caadada u ahayd, qofba moobil kama uusan jawaabin. Waxay wacday oo wacday, laakiin qofba moobil kama uusan soo jawaabin. Waxay arrintaas ku noqnoqotay maalmo badan, taasoo gabadhii ka careysiisay oo ay weyddiisay shaqaalahii: "Maxaad moobilka u qaban laa’dahay?" Markaas ay shaqaalihii u sheegtay ninkeedu inuu iyada iyo carruurtaba geliyo qol, kuna xidho, una sheego inayaan soo bixin ilaa ay saacad ka horayso markay ka timaaddo xaaskiisa shaqada.

Markaasay naxdin taabatay gabadhii. Waxaa soo galay shaki kasta oo dhinac walba ah. Waxay bilowday inay ka fakarto siday u furi lahayd sirta waxa dhex marayo ninkeeda iyo naagta shaqaalaha. Waxay ka codsatay gabadhii shaqaalahii inay qaadato taleefankeeda gacanta iyada oo aan ninkeeda ogayn. Waxay ku tidhi: "Markuu ninkaygu ku amro inaad qolka gashaan, waxaad iiga soo dirtaa fariin telefoonka shaqada, markaasaan imanayaa." Shaqaalihii waxay tidhi "waa hagaag, waan samayn doonaa."

Subixii maalin masiibo ah ayay ahayd, ninkii ayaa yimid oo ku amray shaqaalihii inay carruurta qaaddo oo ay qolka galaan. Sidii caadadii ayuu albaabka u xidhay. 

Shaqaalihii isla markii ayey u dirtay gabadhii oo u sheegtay waxa dhacay. Markaasay gabadhii taleefanka ku tidhi: "waan imanayaa guriga", wayna soo dhaqsatay.

Intay guriga timid, ayay gashay iyadoo gacanta saartay laabta. Waxay ka baadhay ninkeeda qol kaste. Ma jirin qol ay ka tagtay waxaan ahayn qolkii jiifka, kaas oo ay gabadhu jeclaan lahayd inuu eber yahay. Markaasay albaabka u kala qaadday...  

Qolka waxa ku jiray ninkeeda iyo  naag  kale.** Laakiin dhibtu ma aha inuu naag kale la jiifay. Dhibta waxay tahay **naagtaas waxay ahayd hooyadeed!**

Taas ayay qaadan waaysay maskaxdeeda.

Markay aragtay hooyadeeda oo qolkeeda jiifka kula jirto ninkeeda meesha ayay ku naxday. Waayo ma aysan filanaynin taas.

Waxay ka shakisnayd naagta shaqaalaha.

Sheekeeyihii wuxuu yiri: Anigoo taas arkay, waan qasnay, waan murugooday, waanan ka taagneyn waayay. Ilimadu way iga daadatay. Noloshayda weligay umaan ilmeyn qof iga dhintay ama gacaliye.

Waxay igu noqotay arrin fajac ah.

Waxaan idinka codsanayaa qof walba oo sheekadan akhrista inuu u duceeyo haweeneydaas inay caafimaad hesho. Waxaa ku dhacay jahawareer xagga neerfaha ah, oo ku dhowaad dilay weligeed. Haweenaydu waayadan xaadirka ah way ka bogsanaysaa waxaa ku socoto daawo. 

Ee u duceeya in Ilaah ka ilaawiyo dhibaatadaas. Ma aysan helin ninkii jeclaa iyo hooyadii naxariista badnaydba.


Waxaa laga qaadanayaa sheekadan in dumarka qaar shahwadooda kaliya ay arkaan.

Horay waxaa loo yiri dumarka ragga kuma heshiiyaan.

Sidey ku dhacday naag inay damacdo nin gabadheeda qabo ???

Waxaa kaloo ay u tahay hooyo.

Meeshii laga rabay inay ahaato qof wanaag ka taliso iyadaaba nafteeda u damacday ninkaas.

Dumarka qaar marka ay shahwo qabato caqligooda wuu ka duulaa.

Bulshada marka heerkan ay gaarto wax kaste ka filo.

Haddii maanta naagtan aysan ogaan lahayn in ninkan hooyadeeda sidan ku samaynayo musiibo weyn ayaa u qarsoonaan lahayd.

Sababaha keena waxaa ugu muhiimsan aqoon la’aanta iyo jahliga.

Waayo falkan oo kale kuma dhaqaaqayo qof wax fahansan.

Qaladka qofka wuu gali karaa. Laakin qaabkan inuu galo waa masiibo daran.

Sidey ku damcaysaa nin gabadheeda qabo oo ilmaha ayay eyeeyada u tahay aabbe u ah !!! ?

Waa arrin lala yaabo runtii.

Maamooyinka qaar waxaas kuma saqajaamaan waayo waxay og tahay ceebta iyo cadaabta weyn ka imaan karto arrintaas.

Waxay iska ilaalinaysaa xumaantaas oo kale inay ku dhacdo.

Bal eeg gabadha sidey nolosheeda uga burburtay.

Waxay noqotay qof waalan oo kale.

Waayo ma aysan ka filnaynin hooyadeeda inay sidan samaynayso !!

Waa sheeko cajiib ah oo lala fajaco. Maamo inay damacdo wiilka qabo gabadheeda ??

Waxyaalaha dhacdooyinkan keena waxaa ka mid ah xiriirka taleefanada iyo baraha bulshada iyo waxyaalaha bulshada lagu dumiyo.

Maanta waxaan oo kale aad buu ugu faafsan yahay bulshooyinka.

Waayo dadka adduunka hoggaaminayo ayaa aad u faafinayo waxyalahaan oo kale.

Sheekada oo dhan waxay noqotay raaxo iyo raaxo raadin.

Xattaa naagaha waaweyn baddaas ayay galeen.

Waagii hore maamooyinka markay gaaraan konton sano tusbaxooda ayay qaadan jireen xattaa nimankooda hal qof inay la seexdaan ma oggolaan jirin.

Laakin hadda naagta iyadoo lixdan jir ah waxay u dhaqmaysaa gabar labaatan jir ah.

Marka casriga ayaa is baddalay.

Waxaa tagay damiirka.

Diinta ayaa ay ka tageen naagihii.

Adiga sideed u  arkaysaa dhacdadan noo soo sheeg.

Haddii aad sheekada ka hesho laayigta  noo saar.