Sheekooyin kulul oo ku saabsan dumarka la qabo kuwa lasoo furay shukaansiga gabdhaha sheeko macaan iyo nolosha guud

Sheeko gabar islaweyni darteed mustaqbalkeeda ku burburay


  Soomaalida waxay tiraahdaa kibirka waa lagu kofaa waana lagu kala jabaa.

Qofkii kibir badan maalin buu kufayaa.

Kibirka lacag ama qurux ama jago hakuu keenaan.


Ugu dambeyn waxaad ku dhici doontaa shallaay iyo khasaaro xattaa haddii waqti badan laguu kaadiyo.

Tuulo ka mid ah tuulooyinka magaalada Hargeysa waxaa ku noolayd gabar lagu magacaabo Filsan Cartan.

Filsan waxay ahayd gabar aad u qurux badan oo dadka tuulada deggan oo dhan ay la yaabeen quruxdeeda.

Filsan markay soo gaartay labaatan sano aad bay isku baddashay.

Waxay noqotay gabar aad u qurux badan.

Filsan sanka ayay taagi jirtay kibir iyo islaweyni dartii. 

Waayo dumarka tuulada ku noolaa oo dhan ayaa u arkayay inay tahay qofta ugu haysato tuulada xagga jamaalka.

Waxaa jirtay  gabar kale oo naafo gacanta ka ah oo aan qurux badan lahayn. laakin miskiin ah oo xishood badan oo deggan.

Gabadhaas waxaa lagu magacaabi jiray Anisa Geeseey.

Waxay iska ahayd gabar aan hadal badnayn.

Laakin Filsan aad ayay u war badnayd. Waxayna ahayd qof sanka ka hadlayso oo aan dadka tixgalinin oo xanaaq badan.

Dhowr nin ayaa soo doontay Filsan laakin way ku adkayn jirtay.

Waxay u arki jirtay inaysan ragga tuuladaas oo dhan u qalmin.

Sida la og yahay ragga waxay ka fiiriyaan dumarka quruxda iyo midabka caddaanta iyo joogga iyo dhismaha jirka.

Waa yar yihiin ragga eego akhlaaqda iyo dabeecadda gabadha.

Tobanaan ayay gaarayaan ragga guur ka rabay Filsan.

Dhamaan way wada diidday.

Badankooda waxay ahaayeen rag lacag leh.

Anisa qof sidaan usoo  eegayo ma aysan helin.

Maalin iyadoo la joogo ceel biyo laga dhaansado ayaa dumar badan oo meesha ku sugnaa sheeko galay.

Goobtaas waxaa joogtay Filsan.

Dumarka waxay dhaheen filsaneey adiga ilaa iyo hadda maxaad u guursan la’dahay sidaan ayaad u qurux badantahayee?

Waxay tiri Filsan iyadoo dareemayso islaweyni. Aniga lagama yaabo inaan waayo nin. maxaayeelay ragga oo dhan waxay iga rabaan guur. Wax kastoo aan dalbado waa diyaar.

Miyaad ii malaynaysaan middaas oo kale. Waxay ulajeedday Anisa oo ceelka usoo socotay.

Waxay tiri: aniga lagama yaabo inaan baaro.

Anisa markay timid ceelka dumarka oo dhan way qosleen iyagoo eegaya iyada.

Anisa waxay tiri: maxaa jiro?

Sheekada ayaa loo sheegay. Anisa meesha ayay ku ciilootay.

Dhacdadaas muddo ayaa kasoo wareegatay.

Filsan ragga ayay wada diidaysay waligeeda. Waa la waayay hal nin ay guur ka oggolaato.

Waxaa dhacday arrin la yaab leh oo nolosha filsan rogtay.

Filsan waxaa ku dhacay wax aysan filanaynin.

Iyadoo cunto karinayso dab ayaa kusoo booday wuxuu ka gubay wejiga. Dhaawac ayay noqotay.

Waa la daaweeyay laakin sankeeda iyo bushimaheeda ayaa isku  dhegay oo kaduutay.

Wejigeeda wuxuu noqday wax laga baqo oo aad u foolxun.

Marka ay sidaas qabsatay hal nin waa la waayay guur kasoo doono.

Filsantii la garanayay ma aha. iyada oo dhan waxay noqotay qof murugo aan ka bixin.

Waxaa dhacday wiil tuulada ku noolaa oo yurub ku maqnaa ayaa booqosho u yimid tuulada.

Wuxuu raadinayay gabar fiican oo dabeecad wanaagsan leh.

Tuulada oo dhan waxay u tilmaameen Anisa.

Waxaa lagu yiri gabadhaas oo kale ma jirto.

Waa gabar akhlaaq iyo edeb leh.

Wiilkaas wuxuu qabay naag kale oo qurux badan oo dhib badnayd.

Yurub ayay isku qabeen laakin way rafaadisay.

Ugu dambeyn wuu iska furay.

Marka wuxuu aaminsanaa naagaha quruxda badan inay kibir badan yihiin oo aan lala dhaqmi karin.

Maba rabin gabar qurux badan ee wuxuu raadinayay gabar akhlaaq iyo diin leh.

Marka loo tilmaamay Anisa wuxuu u tagay waalidkeeda wuuna ka doontay wayna oggolaadeen.

Meesha ayuu ku guursaday.

Wuxuu u dhisay guri sar ah wuxuuna uga dhisay meel u dhow guriga waalidkeeda.

Sanad kaste ayuu u imaan jiray.

Ilmo badan ayay u dhashay.

Filsan meesha ayay ku baartay.

Anisana waxay noqotay maamo ilmo leh oo guri leh oo farxad ku nool.

Marka waxaad ogaataa kibirka in lagu kufo.

Dib u fiiri qof kastoo kibir badan waxaa u dambeeyo halaag iyo burbur.

Qofkii ku jeesjeeso khalqiga Ilaahay wuxuu galayaa dhibaato weyn.

Filsan waxay ku kibirtay quruxda Alle siiyay. Taas ma ayasan ku ekaaninee waxay ku darsatay gabar naafo ah inay ku jeesjeesto.

Marka taas waxaa ka dhalanayso natiijo xun oo qofka uu ka shalleyn doono.

Haddaad hanti leedahay haku jeesjeesin qofka saboolka ah oo aan waxba haysanin. Bal  waxaa lagaa rabaa inaad wax ka siiso.

Haddaad aqoon leedahay ha ku jeesjeesin qofka aan wax garanaynin. Bal waxaa lagaa rabaa inaad wax barto.

Haddaad qurux badan tahay haku jeesjeesin qofka aan quruxda lahayn. Bal waxaa lagaa rabaa inaad niyadda u dhisto.

Adduunyada waa imtaxaan oo dadka ay ku wada jiraan.

Waxaad isku dayaysaa inaad ku baasto imtaxaankaas.

Wixii lagu siiyay waa imtaxaan. Wixii lagaa reebayna waa imtaxaan.

Marka isku day imtaxaankaas inaad ka gudubto.

Qisadan waxaa laga qaadanayaa murti weyn oo ah qofkii sabro sadkiisa ma waayo.

Anisa waxay ku sabartay jeesjeeska iyo riixitaanka iyo liididda.

Ugu dambeyn iyada ayaana guulaysatay.

Marka waxaad ogaataa cadowgaaga inuu maalin jabayo.

Kaliya waxaa lagaaga baahan yahay inaad noqoto qof adkaysi leh.

Rafaadka raaxo ayaa ka dambayso