Sheeko dhakhtar naag la qabo been u sheegay oo dantiisa ka gaaray
Waxaa jiray dhakhtar akhlaaq xumaa oo ka furtay rugcaafimaad xaafadda shibis.
Wuxuu ahaa nin fudfudud, dhakhtarnimada wuxuu ka dhigtay dabin uu hablaha ku gaado. Naagba naagta ay ka quruxbadan tahay ayuu gaadaa.
Waxaa u tagtay naag la qabo oo ka
timid Bakaaraha oo rabtay inuu daaweeyo.
Dhakhtarka wuxuu qaabilsanaa lafaha.
Naagta waxay ka caban jirtay dhabar
xanuun gaar ahaan moxogga.
Waxay u tagtay dhakhtarka.
Wuxuu ku mashquulsanaa qof kale.
Kalkaalisada xafiiskiisa joogtay ayaa tiri halkan ku sug.
Waxay ka qortay wixii loo baahnaa.
Muddo kaddib kalkaalisada waxay u gashay dhakhtarka.
Waxay u sheegtay in qof kale ay
baaritaan u baahan tahay.
Dhakhtarkii wuxuu yiri: soo gali.
Kalkaalisada ayaa soo baxday waxay u
timid naagtii sugaysay dhakhtarka waxay ku tiri waad gali kartaa.
Naagtii waxay gashay qolka
baaritaanka oo dhakhtarka ku jiray.
Naagta aad ayay u qurux badnayd.
Dhakhtarka markuu arkay aad buu ula yaabay.
Fadhiga ayuu uga istaagay wuxuu u
muujiyay qiimeyn iyo tixgalin.
Naagtii waxay ku fariisatay kursiga
horyaallo dhakhtarka.
Wuxuu bilaabay inuu waraysto.
Su’aasha ugu horreyso wuxuu ku yiri
immisa sano ayaad jirtaa?
Waxay tiri waxaan jiraa soddon iyo labo sano.
Wuxuu yiri xaas miyaad tahay?
Waxay tiri haa.
Wuxuu yiri: caruur ma leedahay?
Waxay tiri haa afar caruur ayaan
haystaa?
Wuxuu ku yiri halkee lagaa hayaa?
Waxay tiri dhabar xanuun ayaa iga
tagi la’.
Gaar
ahaan habeenkii ayuu soo kordhaa.
Wuxuu ku yiri goormaad isku aragtay
dhabar xanuunkaas?
Waxay tiri labo sano kahor.
Wuxuu yiri: wax culeys miyaad
qaaddaa?
Waxay tiri maya: wax culeys ma
qaado.
Wuxuu yiri: sariirtaas ku seexo waan ku baarayaa.
Sariirta ayay ku seexatay wuxuu ku
yiri calool calool u seexo.
Markay seexatay wuxuu eegay lafaha
dhabarkeeda.
Waxay ahayd qof bari weyn leh oo moxog
dhuuban.
Wuxuu keenay qalabka wax lagu baaro
wuxuu ka saaray dhabarka.
Wuxuu ku yiri neefso. Way neefsatay.
Dhakhtarka wuu isbaddalay markuu
dambeedkeeda arkay. laakin wuxuu ka baqay inuu qalad galo.
Waayo waa markii ugu horreysay uu
baaro.
Kaddib wuxuu ku yiri kasoo kac
sariirta kursiga ku fariiso.
Wuxuu u qoray daawooyin iyo bomaato
lagu daliigayo dhabarka.
Wuxuu ka qaatay nambarka taleefanka
wuxuu ku yiri daawooyinkan adeegso waan isla soconaynaa saan u ogaano
natiijada.
Waxaad ii imaanaysaa isbuuc kaddib.
Hal maalin kaddib dhakhtarka intuu
sabri waayay ayuu wacay naagtii. wuxuu ku yiri: ii warran ? hadda ka warran
markaad isticmaashay daawada maxaad dareentay? Wax isbaddal ma jiraa?
Waxay tiri: wax yar isbaddal wuu
jiraa laakin ma badna?
Wuxuu yiri: wixii aad dareento oo isbadal
ah ila soo socodsii. Aniga wax walbo diyaar ayaan kula ahay.
Waayo qof qiima badan ayaad agtayda
ka tahay.
Naagta dhakhtarka waxay ka dareentay
inuu aad u qiimeynayo.
Waxay ku tiri waad ku mahadsan
tahay.
Waxaa la gaaray isbuucii ballanta.
Naagtii waxay aadday rugtacaafimaadka.
Dhakhtarka ayay u gashay. Sidii hore
si ka fiican ayuu usoo dhoweeyay.
Isla markii wuxuu ku yiri: sariirta
tag oo dhabarka fur.
Waxay aadday sariirta dhabarka ayay
furtay.
Wuxuu eegay dhabarkeeda wuxuu saaray
qalabka lagu baaro wuxuu ku yiri:
Isbaddal ayaa jiro laakin ma badna.
Wuxuu yiri: waxaad u baahan tahay in
masaaj laguu mariyo.
Wuxuu yiri: waxaad ii imaanaysaa
habeen dambe marka aan shaqada ka baxayo si dad kale aysan ii mashquulinin.
Markaas ayaan kuu marinayaa
masaajka.
Waxaa la gaaray habeenkii. markaas
naagtii way timid waxaa ka furay rugta caafimaadka dhakhtarka laftiisa.
Caawa kalkaalisada ma joogto. Waxaad
mooddaa dhakhtarka qorshe kale inuu ka wato.
Wuxuu u yeeray naagtan xilliga
shaqada dhamaatay oo kalkaalisada ay baxday.
Naagta wuxuu ku yiri: halkan igu sug
wuxuu galay qolka daawooyinka. wuxuu lasoo baxay daawooyin masaaj ah oo
xanuunka dhabarka loogu talagalay.
Wuxuu ku yiri: sariirta tag.
Wuxuu bilaabay dhabarka inuu daawo u
mariyo oo uu u daliigo.
Siduu daliigga ugu waday wuxuu
bilaabay inuu meelo kale faraha la galo.
Naagta way shakisay waxay is tiri
ninkan muxuu sidan u sameynayaa?
Maba aysan hadlin shib ayay iska
tiri:
Wuxuu yiri: dhammaan marada iska
qaad markaas ayay tiri dhabarka lee laysku ogaa maxay tahay marada qaad?
Wuxuu yir: maya waa caadi qofka
xanuunsan oon daaweynayo sidaas ayaan ku sameeyaa waa caadi.
Naagta waxay ahayd qof adag waxay
tiri: marada qeybta aad daaweynayso waan kuu qaaday meelaha kale maxaad ka rabtaa?
Dhakhtarka wuxuu ogaaday naagtan
inay adag tahay oo aan wax laga qaadi karin.
Waayo naagaha qaar si sahlan ayay
ku dhiibaan wixii laga dalbado.
Wuxuu yiri: waa yahay wax dhib ma
laha. Sidaada iska ahow.
Daliigga intuu waday naagta waxay dareentay
ninka inuu soomaali hanoolaato bilaabay oo uu neeftuurayo.
Muddo markuu daliigayay ayuu yiri:
isbuuc kaddib ayaad ii imaanaysaa waqtigan oo kale.
Waxay ku tiri: waa yahay.
Meesha ayay kusoo kala tageen.
Markii la gaaray usbuuca ayay ugu
timid rugta caafimaadka.
Wuxuu ka furay albaabka sidii markii
hore oo kale.
Laakin tookadan wuxuu u degay qorshe
halis ah.
Wuxuu yiri maxaad cabaysaa? Waxay
tiri wax ma rabo.
Wuxuu yiri: maya waa inaad wax
cabtaa. Shaah ama cabitaan.
Ugu dambeyn waxay tiri waxaan cabbaa
shaah.
Wuxuu keenay labo koob shaah.
Midkeeda wuxuu kusoo daray daawo qofka saameys ku yeelanayso dareenkiisa.
Qofka wax walbo ayaa laga dhamaysan
karaa haddii daawadaas uu cabbdo.
Markay cabtay shaaha wuxuu ku yiri
na keen aan daliigga bilownee.
Wuxuu ku yiri dhabarka fur. Way
furtay wuxuu bilaabay inuu u daliigo oo uu u mariyo daawada daliigga.
Makuu muddo waday daliigga ayuu
yiri: marada iska dhig.
Tookadan maba aysan diidin way
dhigtay waxaa u hartay gorgorad iyo dharka kasii hooseeya.
Wuxuu sii waday inuu meelo badan u
daliigo. ugu dambeyn dantiisa ayuu gaaray.
Marka uu ka dhamaystay ayuu ku yiri:
daawada way dhamaatay waad bixi kartaa.
Guriga markay tagtay daawada
jirkeeda kis kis ayay uga baxday.
Waxay aadday musqusha waxay ogaatay
inay wax dhaceen.
Way naxday waxay wacday dhakhtarka
waxay ku tiri maxaad igu samaysay wuxuu yiri waxba.
Meeshii ayaa dood ka dhacday.
Waxay ku tiri mar dambe kuuma
imaanayo. waxaad tahay saqajaan xun.
Meeshii ayay ku kala hareen.
Marka waxaad ogaataa dhakhaatiirta
qaar inay xun yihiin oo ay ka faa’idaystaan dumarka ay baarayaan. Gaar ahaan
kuwa aadka u qurxoon.
Dhakhtarka noocaas ah waa
khayaanoole waxaa la rabaa in laga ilaaliyo dumarka.
Waa dhurwaa dugaag ah wuxuu rabaa
inuu sidaas dantiisa ku gaaro.
Wuxuu rabaa naag kaste inuu
tijaabiyo. hal naag xattaa kuma ekaanayo.
Kaas oo kale waa inay dumarka iska
reebaan markay arkaan asoo ku xadgudbi rabo.
