Sheeko naag ninkii soo furay lagu qabtay ayadoo xiriir jacayl la samaysay
Sheekadan waxay ka hadlaysaa dhacdo in badan dhacdo.
Naagta marka lasoo furo ninkii hore xiriir ayaa ka dhexeyn kara siiba marka ay caruur u dhasho.
Gabadha sidaas lagusoo furey waxay leedahay iyadoo ka sheekeynayso qaabka loosoo furay:
Ninkayga ayaa saaka i furay kaddib markii uu guriga ku arkay ninkaygii hore oo yimid si uu carruurtiisa u soo booqdo.
Aniga iyo isaga wax xiriir ah oo ka baxsan carruurta nagama dhaxeeyo, balse ninkayga arrintaas si kale ayuu u fasirtay.
Marar badan ayuu ii sheegi jiray inuusan jeclayn inuu ninkaas guriga ku arko, balse maanta arrintu waxay gaartay kala tag.
Hadda waxaan ku jiraa xaalad jahwareer ah, mana garanayo tallaabada xigta ee aan qaadayo.
Somaliyeey, maxaad igula talin lahaydeen?
Runtii xaaladahan oo kale way dhacaan.
Naagaha qaar waxay xiriir la sameeyaan ninkii horay u qabay.
Gaar ahaan marka ninka labaad uu yahay nin ka hooseeya midkii hore. Xagga wanaagga iyo quruxdaba.
Waxaa la sheegaa naagta inaysan illaawin ninkii guurka ku bilaabay.
Ma hilmaanto naagta ninka ugu horreeyay nolosheeda.
Marka naagta haddaysan iska ilaalinin ninkaas waxaa dhici karto inay isku dhacaan.
Waayo aadanaha isma reebi karo markuu xusuus galo. Naagahana ayaa ugu nugul arrintaas.
Dhaqankii ay ninkaas kasoo baratay ayay isla markii samaynaysaa.
Marka waxaa la sheegay wiil xumaa oo naag horey uu u furay intuu gurigeeda tagay ayuu iska dhigay qof ilmihiisa u tagay.
Hal wiil ayay u haysay.
Laakin wuxuu ka lahaa ujeedddo kale.
Marka ay u keentay qaxwo iyo buskud ayuu sheeko hore u bilaabay.
Wuxuu ku yiri habeen hebel ma xusuusataa?
Isagoo ula jeedo inuu soo xusuusiyo habeen romaantik ah oo labadooda dhex maray.
Way soo xusuusatay iyadoo leh wallaahi habeenkaas oo kale ima soo marin. Una malayn maayo inuu mar kale isoo marayo.
Waxay bilowday inay ka sheekayso wixii labadooda dhexmaray habeenkaas.
Ninkan soomaali ha noolaato ayuu bilaabay markuu habeenkaas soo xusuustay.
Iyadana way u jeeddaa. Waayo si fiican ayay u garanaysaa dareenkiisa.
Sheekadii ayaa laysla galay ilaa laga arko adduunyada inay burburtay.
Marka naagta horey aad u furtay ka leexo oo iska jir.
Ha tagin gurigeeda.
Waayo bad kale ayaa kugu soo furmayso.
Waxaad is arkaysaa adoo baddaas ku dhex dabaalanayo.
