Sheekooyin kulul oo ku saabsan dumarka la qabo kuwa lasoo furay shukaansiga gabdhaha sheeko macaan iyo nolosha guud

Sheeko gabar nin bajaajle kufsan rabay oo si dhib leh uga fakatay


 Fartuun Xaashi waa gabar ku noolayd magaalada Muqdisho.

Fartuun waxay dagganayd xaafadda waaberi.


Fartuun xilli maqrib ah ayay  bajaaj ka raacday gurigooda hortiisa waxay u socotay dhinaca viya laeybeeriya.

Fartuun marka muddo ay saarnayd wiilka bajaajka waday wuxuu la galay jiiro aan ahayn jidkii toosnaa oo ay ku socdeen.

Waxay tiri halkaan maxaad u qaadaysaa?

Wuxuu yiri waa caadi. Dad ayaan wax ka qaadan rabaa.

Markuu muddo yar socday wuu joojiyay.

Meesha waxaa ku sugayay wiilal gaaraya seddex.

Fartuun way naxday markay wiilasha aragtay.

Waxay tiri maxaad iga rabtaa ?

Wuxuu yiri: waa caadi macaaneey?

Wuxuu bilaabay inuu ku jeesjeeso.

Wiilashii meesha joogay qof kaste wuxuu rabaa inuu shaqada qabto.

Waxay toos u dhaheen caawa kawaanka ayaad saaran tahay.

Fartuun way qaylisay. Waa mugdi meesha qof usoo baxayo ma laha.

Inkastoo guryo ay ka dhow yihiin. Haddana qof kaste wuxuu diidayaa inuu dhib naftiisa u soo jiido.

Fartuun naxdin.

Wiil wiilasha ka mid ah ayaa mindi lasoo baxay asoo ugu gooddinaya fartuun.

Wuxuu ku yiri: naayaa aamus. Shib dheh. Yaan lagaa maqlin hadal.

Fartuun oohin ayay bilowday. Oohin baroortan ah.

Wiil kale ayaa taataabasho kula kacay.

Meesha waxaa soo maray wiil askari ah oo qori wato.

Wuxuu arkay gabar halkan ku ooyayso.

Wuu shakiyay wuxuu la hadlay wiilasha ag taagnaa wuxuu yiri: yaa wax ku sameeyay gabadhan?

Fartuun intay soo carartay ayay ag timid wiilkii qoriga watay.

Waxay tiri: waxay rabaan inay I xoogaan.

Halkan qasab ayay igu keeneen.

Wiilkii wuxuu yiri: sidey wax u dhaceen ii sheeg

Waxay tiri bajaajkan ma u jeeddaa. 

Isagaa halkan laygu keenay. waxaan kasoo raacay xaafaddeyda markaas ayuu jiiradkaan isoo galiyay. Ninkan ayaana igu soo kaxeeyay waxay tilmaantay wiilka bajaajka iska lahaa.

Wiilashanna halkan ayay ku sugayeen.

Wiilkii qoriga watay intuu qoriga cabbeystay ayuu ku taagay wiilasha wuxuu ku yiri madaxa gacmaha saarta.

Wuxuu soo qabtay kii bajaajka iska lahaa. wuxuu ku yiri kaalay soo fuul bajaajka na geey meesha aad ka keentay gabadha.

Sidaas ayuu kusoo kaxeeyay.

Wuxuu keenay gurigooda.

Fartuun sidaas ayay ku badbaadday.

Wiilka askariga wuxuu u kaxeeyay bajaajlihii isteeshinka.

Marka gabdhaha waxaa laga rabaa inay iska ilaaliyaan dhacdooyinkan oo kale.