Sheekooyin kulul oo ku saabsan dumarka la qabo kuwa lasoo furay shukaansiga gabdhaha sheeko macaan iyo nolosha guud

Sheeko gabar Libya lagu helay magafe gacanta ku dhigay


 Sahro waa gabar reer Muqdisho ah. waxay ka dhalatay cid xoogaa iska dhaqan.

Aabbaheeda bakaaraha ayuu ku lahaa bakhaar weyn.

Sahro waxay dhigan jirtay dugsiga sare.

Marka ay qurbaha aadeen dad iyada ay daris ahaayeen ayay nacday iskuulka.


Waxay bilowday inay qorsheyso si ay ku aadi lahayd yurub.

Aabbaheeda raalli kama ahayn inay aaddo dibadda. Wuxuu ku hang weynaa inay guursato oo ay reer yeelato.

Laakin sahro baddaas uma caddeyn. Waxay rabtay inay yurub aaddo oo baasaboor ay soo qaadato.

Soomaalida oo dhan sidaas ayay wada dhahaan.

Wiilal iyo gabdho oo xaafadda la deganaa ayaa ku talajiray inay aadaan liibiya si ay uga galaan dalka taliyaaniga.

Marka liibiya la tago. Waxaa la raacaa doomo yaryar oo halis ah. Mararka qaar doonta way gaddoomaysaa. Markaas ayaa lagu baabba-aaa.

Sahro waxaas oo dhan ma aysan arkaynin. Waxaa kaliya ay u jeedday mustaqbalka yurub laga sameeyo.

Ugu dambeyn sahro waxay raacday kooxdii aadaysay liibiya iyadoon la ogeyn.

Markay baxeen waxay mareen itoobiya kaddib waxay kasii galeen suudaan kaddib dalka nayjar.

Ugu dambeyn waxay galeen dalka liibiya.

Inta aysan gaarin meesha ay u socdeen dhib daran ayay mareen. halis ayay galeen.

Nasiibxumo waxay u gacangaleen magafe ninka la oran jiray.

Sahro waxay ku dhacday dhibaato daran. Waxaa laga rabay in laga bixiyo lacag badan.

Rafaad iyo cunto la’aan.

Aabbaheeda marka la gaarsiiyay gabadhiisa in magafe haysto aad buu u murugooday. 

Wuu walwalay. Wuxuu yiri: kama filanaynin gabadhayda in dhibkaan ay isku ridayso. Oo ay iga qarin doonto bixitaankeeda.

Hooyadeeda kabasii daran !!

Magafe sida la wada og yahay dadka aad iyo aad buu u garaacaa.

Dumarka qaar jirdil daran ayaa loo geystaa. Taas waxaa kuu sii dheer xagga nolosha.

Waa nolol ciriiri ah. Cunto fiican lama helayo. Dadka oo dhan gaajo ayaa hayso.

Sahro aad bay isku baddashay. Waxay ahayd gabar buuran oo cad oo jir leh.

Waxay noqotay lafalafo. Midabkeeda aad buu isku baddalay.

Waxaa kuu sii dheer jirkeeda oo dhan wuxuu noqday nabro.

Waayo lama helayo biyo lagu qubeysto. Meeshana waa meel aad u kulul. Dadka waxay ku jiraan qolal loogu talagalay xoolaha. Hurdo fiican ma jirto.

Sahro meesha aad bay ugu rafaadday.

Aabbaheeda wuxuu usoo diray lacagta laga rabay in laga bixiyo.

Ugu dambeyn waa lagasoo bixiyay meesha. Waxaa loo soo celiyay soomaaliya.

Waxaa la keenay gurigooda iyadoo aad mooddo qof jirro daran ku dhacday.

Waxay u sheegtay aabbaheeda inay qaldantay. 

Waxay ku tiri: inaad ii diidayso waan dareemayay. Sidaas ayaan kaaga qariyay safarka.

Laakin waxaan rabay inaan yurub galo oo aan kaa farxiyo.

Wuu iska cafiyay. Waxay go’aan ku gaartay inaysan mar dambe aadaynin tahriib wax la dhaho.

Marka rafaadka liibiya yaallo aad buu u daran yahay.

Laakin dadka soomaalida ilaa iyo hadda yurub kaliya ayaa u muuqata.

Haddii loo sheego wixii meesha ka dhacay waxay rabaan inay iyaga baraaktis ahaan usoo ogaadaan.

Kuma aaminayaan wax kastoo aad u sheegto.

Jacaylka yurub wuxuu noqday mid soomaalida ay ku dhintaan.

Adiga sideed u aragtaa sahro waxa ay samaysay?

Waligaa ma maqashay xaaladda sahro oo kale.