Sheekooyin kulul oo ku saabsan dumarka la qabo kuwa lasoo furay shukaansiga gabdhaha sheeko macaan iyo nolosha guud

Sheeko gabar lacagta aad u jeclayd ugu dambeyn nin hantiile guursaday


 Gabar waxaa jirtay gabdhaha ardayda lacagta ka xadi jirtay, sida ay uga xadi jirtay waxay ahayd si yaab leh.

Waxay iibin jirtay jalaato , waxay geyn jirtay iskuulka hortiisa.

Waxaa iskuulkaas dhigan jiray gabdho ay iyada is garanayaan.

Gabadha markay u timaaddo oo ay ka gadato jalaatada waxay dhahaysaa abbaayo waxaan rabaa inaad lacag I deemiso.

Marka la deemiyo lacag.


 lacagta la deemiyay toos umasoo celinayso waxay leedahay lacag ma haayo hadda jalaato  ayaad ku qaadanaysaa lacagtaada.

Haddii lagu yiraahdo jalaato  badan hadda uma baahni waxay leedahay maalin kaste ku qaado.

Sidaas ayay ku samayn jirtay gabdhaha.

Waxay sidaas ku samaysay gabdho badan.

Waxay ahayd qof lacagta aad u jecel. Dadka oo dhan way ogaadeen inay lacagta jeceshahay.

Maalin waxaa meesha soo maray wiil oo iskuulkaas macalin ka ahaa.

Wiilka wuxuu ka dhashay cid lacag leh.

Waxaa dhacday inay gaadgaaddo gaar ahaan markay ogaatay inay lacag leeyihiin reerkiisa.

Waxay ku bilowday sheeko inay la gasho. Wiilkii wuxuu noqday nin gabadhii aan ka maarmin.

Wuxuu ahaa nin deggan oo niyad wanaagsan wuxuu u imaan jiray gabadha wuxuu kala sheekaysan jiray guur.

Ugu dambeyn guur ayaa lagu heshiiyay.

Wiilkii waalidkiisa way u diideen waxay dhaheen sidee u guursanaysaa gabadhaas oo la wada og yahay inay jidka wax ku gaddo.

Wiilka wuxuu soo taagan yahay waan rabaa cawo iyo maalin.

Wiilka aabbihiisa wuxuu ahaa qof wiilkiisa aad u  jecel wuu ka yeelay inuu guursado gabadha.

Gabadhii sidaas ayay ku guursatay wiil ka dhashay cid hanti leh.

Waxaa la dhahaa qof kaste wuxuu niyayasan yahay inta badan wuu gaaraa.

Gabadhan waxaa la sheegay lacagta inay aad u jeclayd.

Waxayna dhihi jirtay aniga nin lacag leh ayaan guursanaa.

Ugu dambeyn nin waxay heshay la koolkoolinaayo oo ka dhashay cid lacag leh.