Sheeko nin dabaal naag loo guuriyay akhriso waxa uu ku sameeyay
Waxaa jiray nin doqon ahaa oo dumarka aad uga baqi jiray.
Markuu dhalinyar ahaa wuxuu ka fogaan jiray haweenka oo dhan.
Gabdhaha ma uusan la hadli jirin.
Wuxuu u arki jiray inay dhib badan yihiin.
Markuu weynaaday oo uu gaaray soddon sano ayaa lagu yiri:
Waa inaad guursataa.
Wuxuu yiri: guur maxaan ka falaa?
Waxaa lagu yiri ilmo ayaad dhalaysaa.
Markaad weynaato ayay wax kuu tarayaan.
Wuxuu yiri: haddii sidaas ay tahay waan guursanaa.
Waxaa loo keenay gabar qurux badan waxaa lagu yiri waa tanaa naagta lagugu dari rabo.
Wuxuu yiri: gabadhan way dheer tahay ee naag middaan ka gaaban ayaan rabaa.
Waxaa lagu yiri naag ka gaaban maxaad ka rabtaa?
Wuxuu yiri. Naagaha way shar badan yihiin.
Markastoo ay gaabato sharteeda ayaa sii yaraanayso.
Waxaa lagu yiri: sidaas yaa kugu yiri;
Wuxuu yiri habar duq ah ayaa igu tiri:
Waxaa lagu yiri naagaha hadalkooda miyaad rumaynaysaa.
Ninkii wuu oggolaaday in lagu daro naagtaas.
Habeenka aqalgalka wuxuu iska hurday.
Habeenka ku xigay wuu iska hurday.
Habeenka seddexaad naagtii waxay tiri:
Ninyahow adiga aroos sow ma tihid?
Wuxuu yiri: haa.
Waxay tiri hurdadan maxay tahay?
Wuxuu yiri. Okeey maxaan samayn lahayn hee?
Waxay tiri. Dadka arooska ah waxa ay sameeyaan.
Wuxuu yiri: maxay sameeyaan?
Waxay tiri wixii ay sameeyaan.
Wuxuu yiri: I bar wixii ay sameeyaan aniga ma aqaano.
Waxay tiri: haddii aadan aqoonin maxaad ii soo guursatay.
Wuxuu yiri: ilmo inaan dhalo.
Waxay tiri: ilmo sidaan laguma dhalee ee I fur.
Wuxuu yiri; seddex baan kugu furay.
Meeshii ayay ku kala tageen.
Marka qof nacas ha waligaaga ka fogow.
Hadduu lammaanahaaga noqdana way kuu dhammaatay.
Haddii aad ka heshay sheekadan yar laayigta noo saar siina faafi muuqaalka
Naagtii subaxdii marka la gaaray gurigooda ayay aadday.
Waxaa soo ogaaday inay naagta gurigooda joogto reerkiisa.
Waxaa guriga ugu yimid ehelkiisa hooyadiisa iyo aabbihiisa.
Waxay ku dhaheen aaway naagtaada.
Wuxuu yiri waan furay
Waxaa lagu yiri aroos ayaad tahay bee maxaad u furtay.
Wuxuu yiri ilmo inaan dhalo ayaan u furay.
Waxaa lagu yiri sheekadaas yaa kuu sheegay.
Wuxuu yiri iyadaa igu tiri.
Markaan ku iri ilmo inaan dhalo baan rabaa.
Waxaa lagu yiri. Waad qaldan tahay.
Meesha ayuu ku burburay gurigiisa !!
Marka murtida waxay tahay.
Nacas noloshiisa waa naclad naar oo kale ah.
.jpg)