Sheeko jacayl xanuun badan ilmo ayay isku dhali waayeen kaddib ayay guursatay wiil walaalkiisa ah
Sheekadan waxay qabsatay wiil qurbaha ku noolaa.
Gabar abtigiisa dhalay ayaa loo guuriyay. jacayl daran ayaa dhexmaray intay is qabeen.
Laakin ugu dambeyn way kala tageen waxaana taas u keentay duruufo ay ku qasbanaayeen.
Waxaa kasii xanuun badan waxaa guursaday wiilka walaalkiisa.
Waxaa ka sheekeynaya wiilka arrintaas ay qabsatay wuxuu yiri:
Waxaan ahaa wiil kusoo koray qurbaha. asagoo yar dalkii ka tahriibay, muddo dheer kaddib. oo wax soo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.
Markaan imaaday Afrika gaar ahaan soomaaliya waxaa laygu daray gabadh uu abtigay dhalay, waan guursaday, hal sano kaddib waxaan u kaxeystay mareykanka, anigu shaqadayda waxay ahayd ganacsi, xaaskaygana waxay aheyd gabadh wax soo baratay oo aad ugu firfircoon ganacsiga.
Labo sano kaddib waxaa aad u koray ganacsigayga, waxaana garab weyn igu siisay gabadha aan qabo, heer waxay gaartay inay ayada la wareegto dhammaan shaqadaydii, waxaan go-aaansaday in aan shaqo kale qabto oo middan ayada aan u ddaayo,
Waxaan sameynay lacag aad u tira badan. waxaan waddankii ka gadanay guryo aad qaali u ah. boosas badan. balse hal dhib ayaa jiray oo sababay in aan kala tagno,
Lix sano kaddib oo aan wada joognay ilaahay wax caruur ah naguma izraaqin, waxaan u tagnay dhaqtar. wuxuu noo sheegay in aanan ilmo isku dhali karin. sababo la xariiro cafimaadka. waxaan aadnay dalka dibaddiisa isbitaal walbo oo qaali ah dhammaan dhaqatiirtii waxay nagu dhaheen suurtagal ma aha in aad isku dhashaan ilmo.
Kaddib habeen ayey igu tiri xaskayga macaanow warqadda furiinka isii oo I fur maxaan iska ag fadhinaa haddii aanan waxbo isku dhalaynin", anigoo ilmaynaayo ayaan ku dhahay waaga hanoo baryo.
Habeenkii oo dhan ma seexanin waagii markii uu baryay ayaan subixii ku dhahay waan ku furayaa, laakin sideen iskula shaqeynaynaa ayadoo oyeeyso ayeey igu tiri anigaa kaaga tagi hantida ee ifur uun. maanta lacag ma rabo caruur ayaan rabaa ayeey ugu tiri.
Waxaan u sheegay in aan furaayo laakin haddii ay guursato walaalkey oo wax barasho u joogay halkan, aniga iyo ayadana aan sidaas kuwada shaqeysano, ayadoo marna faraxsan marna murugeysan ayeey iga tagtay. laakin subixii dambe ayaan siiyay warqaddii furiinka, walalkeyna wuu iga oggolaaday in uu guursado, waayo anigaa sabab u ahaa in uu wax barto oo aan keenay qurbaha,
Sidii waxaa ku dhacay arooskoodii. labo ma taano ah ayey u dhashay walaalkey, anigana afrika ayaan aaday waxaan guursaday gabadh kale waxay ii dhashay wiil.
Maanta wali waan wada shaqeynaa aniga iyo dumaashiday iyo walaalkeey.
Waxey noqotay gabadhii aan jeclaa. Haddana waa dumaashiday. Jacaylkeeda qalbigayga kama bixin.
Mararka qaar ninka wuxuu guursanaa naagta uu jecel yahay. Laakin waxaa dhacayso arrin uusan ka fikiraynin.
Taas oo ah guurkooda inuu socon waayo.
Tusaale ahaan wiilkan gabadha abtigiisa markii loo guuriyay way is fahmeen wayna is jeclaadeen weyna wada shaqaysteen.
Laakin waxay waayeen ilmo inay iska dhalaan.
Gabadha ayaana ka dalbatay inay kala tagaan qof walba si uu fursad dhalmo u raadiyo.
Dumarka inta badan caruur ayay rabaan. Guurkooda ma noqdo mid xasillan haddaysan ubad dhalin.
Ragga qaarna waa sidaas.
Laakin wiilkan wuxuu sameeyay arrin xoogaa yaab leh. Taas oo ah in walaalkiisa uu ka dalbado inuu xaaskiisa guursado.
Waxayna taas ka ahayd inaysan ka fogaanin mar walba inuu la joogo.
Taas runtii dhibaato ayaa ka dhalan karto.
Midda koowaad waxaa weeye inaadan illaawin jacaylkeeda.
Waayo maalin kaste ayaad la kulmaysaa. Taas waxay kugu reebaysaa xusuus iyo fikir.
Haddii nin kale isaga ka fog guursan lahaa way adkaan lahayd inay wada kulmaan. Markaas waxay u badan tahay inuu hilamaamo jacaylka uu u qabay.
Laakin hadda way adag tahay inuu jacaylkeeda qalbigiisa ka baxo.
Teeda kale waxaa dhici karto inay isku dhacaan.
Maxaayeelay naag aad horay usoo guursatay way ka fududdahay naag aadan soo arkin.
Shayddaanka aad buu kuugu soo jiidi karaa inaad xumaan gasho.
Marka taas waa halis.
Waxaa laga rabaa qofkaas inuu iska ilaaliyo oo iska yareeyo wadahadalkeeda ama sheekadeeda ama inuu meel la joogo.
Waxaas oo dhan dhib ayuu usoo jiidayaa.
Runtii ragga qaar dumaashida ayay ku dhacaan. Taasna waxaa keenayso naagta inay fududdahay oo aysan iska xijaabin ninka dumaashigeeda ah.
Haddii aarintaas qofka uusan ka feejignaanin halis ayuu gali karaa.
Xumaanta dhexmarto ragga iyo dumarka inta badan waxay ka timaaddaa qofka inuusan iska ilaalinin waxyaabahan oo kale.
Naagaha inkastoo ay ku kala duwan yihiin xagga dareenka iyo jacaylka haddana qofka waxaa laga rabaa inuu ka fogaado wixii dhib u keeni kara.
Jacaylka waxyaalaha lagu illaawo waxaa ka mid ah qofka inuu ka fogaado qofka uu jecel yahay.
Marka aad ka dheeraato qofkaad jeceshay aayar aayar ayaad u hilmaamaysaa.
Laakin marka aad maalin kaste arkayso naftaada kama baxayo.
Waxaa laga yaabaa habeen walba inaad ku riyooto.
Taas waxay xoojinaysaa jacaylkaaad u qabto.
Teeda kale labada qof is jecel way fududdahay inuu xiriir kale dhexmaro, waayo horay ayay isku soo arkeen.
Mar waxaa la sheegay naag la furay ayaa waxay booqatay ninkii iyada soo furay.
Waxaa la sheegay dibadda inay ka tagtay.
Marka ay booqatay gurigiisa xiriir ayaa dhexmaray.
Xattaa uur ayay qaadday taas waxay ku noqotay fadeexo dadka oo dhan ay ogaadeen.
Marka naag aad horay u furtay guri hala galin.
Marka wiilkan waxaa ku habboonayd inuu ka fogaado gabadhan. Kaliya inay kor iska salaamaan oo aan wax xiriir ganacsi ama shaqo dhexmarin.
Taas ayaa ugu fiicnayd. Waayo markaas jacaylkeeda wuu iska illaawi karaa.
Teeda kale marka naag kale aad guursato waad is illaawsiiin kartaa jacaylkaagi hore.
Nafta waa la hilmaansiin karaa wixii la rabo in la hilmaansiiyo.
Waxay u baahan tahay dulqaad iyo go-aan adag.
Iyo waqti fiican aad ku illaawi karto.
Qofkaba markuu dhinto waa laga sabraa.
Marka jacaylkana waa laga sabri karaa.
Haddii aad halkan soo gaartay waxaan kaa codsanaynaa inaad noo saarto kommenti. sidoo kale inaad laayig noo saarto adoo ku mahadsan.
Wixii fikrad aad hayso halkan noogu reeb.
Haddii aad nagu cusub tahayna kanaalkeena kusoo biir si aad u hesho waxyaalaha xiisaha badan aan soo galinayo.
.jpg)